X

Maxaa Maraykanka ku soo celiyay Suuriya??

This July 30, 2017 photo, shows an oil field controlled by the Kurdish-led Syrian Democratic Forces (SDF), in Rmeilan, Hassakeh province, northeast Syria. The SDF, with air support from the U.S.-led coalition, said Sunday, Oct. 22, 2017 that they had captured the Al-Omar field, Syria’s largest oil field, from the Islamic State group, marking a major advance against the extremists and for now keeping the area out of the hands of pro-government forces. (AP Photo/Hussein Malla)

Dhawaan ayay ahayd markii xagjir Taram sheegay inuu askartiisa sida sharci darada ah ku joogtey Suuriya uu ka saarayo kadib markii Turkigu sheegay inuu baacsanayo Kurdiyiin boobey dhul carbeed.


Inkastoo heshiis dhexmaray Ruushka iyo Turkiga lagu dhameeyay xiisada Turkiga iyo Kurdiyiinta Suuriya haddana waxa xagjir Taram dib ugu soo celiyay askartiisa bariga Suuriya.

Bariga Suuriya waxa ku yaala saliida kooban ee dalku leeyahay, waxayna inta badan ku yaalaan saxaraha dalkaasi, waxana hore u maamuli jirey argagixisada Daacish oo taageero Ka helaysay Wahaabiyada Sucuudiga kana samayn jirey malaayiin doolar ay dawlada Kula dagaamaan.


Budhcadnimada Maraykanka

Hadda waxa la ogaadey ujeedada dhabta ah, ayadoo markii hore ahayd inuu dalka curyaamiyo dhaqaalihiisa, haddase ay tahay inuu ilaaliyo saliida sharci darada ah ee ka baxaysa aagaas, kuna dhufto qaybtiisa inta uu ka baxayo Suuriya.


Falkan budhcadnimada ah ayaa ka soo horjeeda waxa loogu yeero qawaaniinta caalamka ee Maraykanku kow ka yahay kuwa jabiya. Dawlada Suuriya ayaa gacmaha ka xiran oo aan weerar ku qaadi karin ciidamada maafiyada ee xagjir Taram ayadoo taasi keeni karto in Ruushku soo farogasho, taasina ayna rabin.

Booyado saliid wada


Waxa maanta la arkay ugu yaraan 30 booyadood oo saliid ka qaadaya saliida bariga Suuriya una dhow xadka Ciraaq iyo webiga Yufarayt oo ay ilaalinaayaan askar Maraykanka. Waxa lacagta saliidaas badankeed leh maxiisyo u shaqeeya wasaarada difaaca.

Waa budhcadnimo caadiya saliida bariga Suuriya malaha argagixisada Daacish waxana leh dadka Suuriya degan iyo kuwa argagixisadu barakicisay e daadsan duleedka dalka ayuu yiri sarkaal u hadley Suuriya.


Si kastaba ha ahaatee waxa ka dhalatey cadho xoogleh budhcadnimada Maraykanku Ka wado Suuriya waxana loo sheegay inuu isagu Ka masuulyahay wixii Ka dhaca halkaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.