X

Itoobiya oo hubka lidka diyaaradaha ka soo iibsatey Ruushka

Itoobiya ayaa sheegtay inay hubka lidka diyaaradaha ka soo iibsatey Ruushka xilli muranka biyo xireenka ay dhisatey uu meel isgaran waaye uu maraya iyada iyo Masar. Hubkan oo ah nooca loo yaqaan Baansiyar 1 ayaa inta badan lagu difaacaa meelaha muhiimka ah sida xarumaha dawlada iyo goobaha sirta ah.


Waxay Itoobiya sheegtay inay hubkaas isla markiiba geeyeen meel u dhow biyo xidheenka weyn ee ay ku faanaan. Hubkan ayaa Ruushku ka siiyay 75 milyan oo doolar xabadiiba. Baansiyar ayaa is difaaci kara wuxuuna awoodaa inuu rido rasaasta ku haboon cadowga hawada.


Dhawaan ayay ahayd markii Masar codsastey in Somaliya kala dhexgasho xilli Somaliya Masar ku taageetay arinta biyaha webiga laakiin markii dambe sheegtay in wakiilku ka leexday amarka dawlada shirkii Carabta.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan la garanayn in Itoobiya iyo Masar dagaal ku geli doonaan biyaha webiga Niil oo ilaa hadda si toosa ugu qulqula ilaa Masar.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.