X

Muxuu salka ku hayaa dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Waxa saakadii hore dagaal kooban uu ka dhacay duleedka Kismaayo oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo hubeysan maadaama ayna gobolka ka jirin maamul xoogan. Xildhibaan Iftiin Xasan Baasto oo ka soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa ka waramay dagaalka.


Deegaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa ka mida Fuumo, Kooyaamo iyo Jiroole, waxa ka cararay dadkii deganaa markii rasaastu bilaabantey ayuu yiri Xildibaan Iftiin Xasan Baasto oo ugu baaqay maleeshiyada isku dilaya daaqsinta inay miiska kuwa hadlaan.


Waxaan waxgaradka ugu baaqayna inay kala dhexgalaan, wuxuuna sheegay inay dhawaan ku bixi doonaan deegaanada lagu daghaalamay oo hadda cidla ah.

Dhawaan ayay ahayd markii dadka deegaanku banaanbax ka dhigeen dagaal beeleedka goobta ka socda mase jiro cid ku baxdey oo joojisay halka dadkii ka qaxeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.