X

Itoobiya oo ka digtey erayo falaagada Tigreega loo adeegsanayo

Dawlada Itoobiya oo dhawaan wadahadal lagu qasbay la geli doonta jabhadda Tigreega ayaa uga digtey reer galbeedka wata inay isticmaalaan erayo ay ka mid yihiin ”maamulka Tigree ama maamul goboleedka Tigreega.


”Waa inaad ogaataan xaqiiqda inta aydaan shaabado ku dhejin gobol ka mida Itoobiya oo ay joogaan jabhad kuna sheegtaan in maamul ka jiro meesha waayo waa been kama jiro maamul la doortey ayaa lagu yiri qoraal soo baxay.


”Tigree waa gobol ka mida Itoobiya wuuna ahaan doonaa marka looguma yeeri karo ”dawlada gobolka Tigree iyo wax la mida ayaa lagu adkeeyay qoraalka waayo waxay wax u dhimaysaa madax banaanida dalka. Falaagada Tigreega ayaa waxa wata maamulka hadda jira ee Maraykanka ee cajuus Baydan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.