X

Muslimiinta geeska Afrika oo si weyn u xusay mowliitul nebi SCW

Waxa dhamaan la fasaxay shaqaalaha dawlada dhexe iyo kuwa maamul jufeedyada maalinta dhalashada rasuulkeena SCW SCW oo culimada badankooda isku raaceen inay tahay 12 rabiicul awal oo ku beegan maanta.


Inkastoo lagu kal fikir duwan yahay maalinta dhabta ah haddana shaki kuma jiro in laysku racsan yahay in bishani tahay bishii uu dhashay rasuulkeena SCW SCW.

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa hambalyo u direy dhamaan Muslimiinta geeska maalintan weyn, asgoo tilmaamay in fariinta RABAANIGA ee uu keenay rasuulkeena SCW SCW ay tahay mid isbedel weyn ku keentay dadka.



Gud ahaan Somaliya ayaa si weyn looga xusay maalintan, waxana jiray isku soo baxyo looga hadlayo rasuulkeena iyo fariinta diimeed ee uu RABI u soo dhiibay, ayagoo boqolaal jer ku saliyay rasuulka SCW SCW.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.