12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo ka jawaabtey codsigii madaxweyne Farmaajo ee ciribtirka argagixisada

Itoobiya ayaa ka jawaabtey codsigii madaxweyne Farmaajo ee ciribtirka argagixisada. Bishii hore ayay ahayd markii argagixisadu xasuuqdey dad ku dhow 400 oo qof.



Ciidamo Itoobiyaana ayaa ka soo guydbey xadka Doolow halkaas oo la sheegay inay si fiican u hubeysnaayee. Argagixisada ayaa lagu yaqaan markey arkaan Itoobiyaan inay ooda jabiyaan.



Wuxuu sheegay Ciidamadan ujeedka ay u yimaadeen inuu yahay ka jawaabista codsiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kaasi oo dalalka Gobolka oo ay ka mid tahay Itoobiya booqdey bishii hore.



Argagixisada magacyada badanleh ayaa caalamka Muslimka iyo wadamada kale halis ku haya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS