12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo ka noqotay qorshihii balaadhinta addis ababa

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in laga noqday qorshihii balaadhinta caasimada dalka ee khilaafku ka dhashay. Warbaahinta dalka ayaa maanta lagu faafiyey in shir degdeg ah oo ururka OPDO (ururka Oromada) yeeshay lagu joojiyey barnaamijkan.

Go’aanka ururka ayaa lagu xusay in la tixgalinayo islamarkaana la qiimeynayo dareenka shacabka iyo xoogaga kale ee dimuqraadiga ah.

Qorshahan ayaa dhaliyey mudahaaradyo ilaa 9 todobaad ka socday Gobolka Oromiya kuwaas oo dad ku dhow ilaa 160 qof ku naf waayeen.

Dawlada ayaa ku adkeystay markii hore in uu barnaamijku hirgalayo iyada oo tilmaantay in uu muhiim u yahay caasimada iyo degmooyinka ku hareereysan. Dibadbaxyada kadib ayey dawladu sheegtay in qorshaha la hakiyey si loola tashado dadweynaha. Ugu dambeyn xukuumada ayaa maanta go’aamisay in gabi ahaanba laga takhalusay barnaamijka balaadhinta caasimada.

Lama hubo in go’aankani hakinayo cadhada iyo mudahaaradyada dadka Oromada ah oo la aaminsan yahay in ay ka cabanayaan dulmi in badan isasoo tarayey.

Dadka u ollooleya xuquuqda gobolka ayaa sheegay in uu gobolku ku jiro xukun degdeg ah iyada oo ciidamo badan lagu soo daadguriyey islamarkaana dad badan xabsiyada la dhigay.

Warbixinta OPDO ayaa lagu soo gunaanaday in ururka dadweynaha kala shaqaynayo sidii xal loogu heli lahaa maamul-xumida.

Guud ahaan dadweynaha Itoobiya ayaa u dhaga-taagaya fulinta balaanqaadyo ka soo baxay EPRDF oo sheegayey in musuqa iyo maamul-xumada lagu dabargooynayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS