05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo ku dhawaaqdey xaalad deg dega: SAWIRO

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Lama garan karo sida xaalada deg dega u xalin karo mashaakilaadka siyaasadeed ee jira

Etho3-768x512[1]Etho1-768x510[1]

etho1

etho2

etho3

etho4

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS