X

Itoobiya oo ku dhow inay yeelato RW Muslim ah

Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay in loo doorto guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya,kaasi oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Wadankaasi Itoobiya.



Waxaa Tallaabadan ay u muuqataa mid horseedaysa amma dhabaha u xaaraysaa  in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah,sida ka muuqata haykalka siyaasadeed ee qaab dhismeedka Dowladda Dalkasi Itoobiya.



Isbedelkan siyaasadeed ee ka dhacay Dalkaasi Itoobiya iyo Ku-dhawaaqiddan guddoomie Abiy Ahmed ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa.



Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Talada Haya ee Dalkaasi Abiy Ahmed ayaa ah siyaasi aqoon sare leh islamarkaana uu wax ku soo bartay wadamo kaladuwan oo caalamka kamid ah,waxaana la tilmaamayaa in uu ka qoon badan yahay hoggaamiyaashii hore qaarkood,waa siyaasi aabihii uu muslim yahay hooyadiisuna ay Masiixi tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.