X

Itoobiya oo ku eedaysay Suudaan inay ku soo durkeyso dhulkeeda

Itoobiya ayaa sheegtay inayna ka fursanayn inay dhulkeeda difaacdo haddi milatariga Suudaan joojin waayo dhulka ay ku soo durkayaan ee xadka labada dal. Suudaan ayaa sheegtay inay xaqiijinayso xuduudkeeda oo ay deganaan jireen beeraklay Itoobiyaana.


Afhayeen u hadlay wasaasada arimaha dibedda Itoobiya Diina Mufti ayaa sheegay in waxkasta xad leeyihiin laakiin haddii ay dhaafaan xadka Itoobiya ayna gacmaheeda laaban doonin. Wuxuuse sheegay inay jecelyihiin inay xaalada ku dhameeyaan si nabada.

Muranka labada wadan ayaa sii xoogeystay intii Itoobiya eryatey falaagadii Tigreega eeTPLF. Suudaan oo ka jawaabaysay hadalka Itoobiya ayaa sheegtay in hadalada noocana ay yihiin kuwo colaada oo u jeeda Suudaan waxaan leenahay Itoobiya haka waantowdo dhulka Suudaan iyo beeralaydeeda.


Si kastaba ha ahaatee Suudaan iyo Itoobiya ayaa wadahadaladu ugu socdaan si hoose, waxana la filayaa inay xaalada dejiyaan xilli dhinaca biyo xireenka laydku mari la’yahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.