X

Itoobiya oo sheegtay cadadka lacaga ee lala soo geli karo dalka

Dawlada Itoobiya oo la tacaalaysa dagaal uu Maraykanku rabo inuu xukunka uga tuuro Cabi Axmed ayaa shaacisay tirada ay dhan tahay lacagta wadanka la soo gelin karo xilli lacago badan dalka si qarsoodiya loo soo geliyo.

Bangiga dhexe ee dalkaasi ayaa sheegay in Itoobiyaanka wata baasaboorada ajaanibta loo ogolyahay $10000 kun oo doolar wax kayar haddii ay ka badan tahayna ay tahay inay helaan warqad cadayna. Lacagta lagu qalqal gelinayo amniga dalka ayaa waxa inta badan soo geliya hay’adaga reer galbeedka oo ah basaadiin wata magac beena.

Halka Itoobiyaanka isagu degan dalka ee dalka soo gelinaya wax ka badan $4000 oo doolar laga rabo inuu cadayn ka haysto waaxda lacagaha.

Ujeedada ayaa ah in la xadido lacagaha lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo weliba sarifka suuqa madow oo cirkaa maraya halka sarifka bangiga uu yahay 52 birr halkii doolarba.

Maxamed Yousuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.