X

Itoobiya oo sheegtay inay xirtey dad lagu tuhmayo dilalkii ka dhacay gobolka Oromada

Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtey dad lagu tuhmayo dilalkii ka dhacay gobolka Oromada ee loogu gaystey Somalida. Dilalkan foosha xun ayaa dhacay dhowr bilood kahor kaas oo Oromadu dishey dad Somali ah.

Wasiirka Warfaafinta  ee Itoobiya Negeri Lencho ayaa sheegay in la xiray 98 eedaysane oo ka soo jeeda gobolka Oromada iyo shan tuhmane oo ka soo jeeda dawladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.



Wuxuu intaas sii raaciyay in xaaladda xudduudaha ee labada dawlad goboleed ay si aad ah u xasiliyeen inkastoo wali ay jiraan xaalado adag.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sidoo kale shaacisay iney qaadeyso talaabo kale oo lagu xakameynayo ganacsiga sharci darrada ah ee qaadka sababo kale oo khilaafka la xiriira.



Bishii Sagaalad ayay ahayd markii Oromo cadhaysan ay xasuuqeen Somali ka ganacsata qaadka oo aan waxba dhimin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.