X

Itoobiya oo soo af-jartey dagaalkii Tigree markay qabsadeen caasimadii gobolka

Ciidanka Itoobiya ayaa saaka sheegay inay intii ugu dambeysay ka sifeeyeen caasimada gobolka Tigree ee Maqale kadib markii maleeshiyadii falaagada ee Tigree ay ooda jabiyeen xalay. Magaalada ayaa gacanta u gashay ciidanka ayadoo burbur xoogan soo gaarin.


Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa sheegay inuu hadda u  gudbi doono dib u dhiska gobolka, isagoo balan qaaday in gacanta lagu soo dhigi doono hogaamiyeyaasha Tigreega oo isku dayay balse ku guuldaraystey inay dagaalka faafiyaan.

Falaagada Tigreega ayaa weeraray caasimada Xabashida iyo kuwa Eritariya, waxase ku dhacay guuldaro xoogan markii ciidankii u dagaalamayay ay dhamaantood isa soo dhiibeen. Waxa hadda aan bilowney in aan dib u soo celino qaxootiga ka qaxay gobolka ayuu yiri masuul u hadlay dawlada.


Tigreega oo ay taageerayaan gaalada kale ayaan ilaa hadda helin taageerada ay filayeen. ”Lagama yaabo xataa inay bilaabaan dagaal ku dhifoo ka dhaqaaqa a=h ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego inaan soo afjarney dagaalkii Tigreega ayuu yiri Cabi Axmed.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.