22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo soo afjartey magaalo Somali badan ka tahriibeen oo caan ahayd kuna taal xadka Suudaan

Magaalada la yiraa Metema ee xadka Itoobiya iyo Suudaan waxay ahayd xarun aad u camiran oo ay sii maraan dadka u tahriibaya Yurub iyagoo sii maraya khadka aadka u xun ee Suudaan iyo Liibiya halkaas oo loogu gaysto kufsi jirdil iyo garaacis kale. Magaaladan ayaa ahayd halka laga qaado dadka tahriibaya ee u badnaa Soomali, Itoobiyaan iyo Eriteriya iyagoo inta badan guda habeenkii siina mara dhul halis ah.

Kuwa dadka tahriibiya oo ku dhuftey boqolaal kun oo doolar ayaa iyagu ka kaxeeya dadka magaaladani iyagoo u sii dhiibaya koox kale oo ka talaabisa xadka Suudaan halkaasna ku gaysa Khartuum una sii gudbisa koox kale oo joogta Liibya. Ugu yaraan khadka noocana ayaa qaata muddo sadex bilooda waa marka arintu tahay mid caadiya haddi kale waxaad ku jiraysaa ilaa sanad.

Dadka tahriibaya ayaa dhowr nooca kuwa markaasba laga bixiyo lacagta tahriibiyeyaasha iyo kuwo lagu jirdilo laguna kufsado oo iyagu qaata sanado kadibna sidaa ugu dhinta nafaqo xumo.

Itoobiya ayaa gacan adag ku qabatay kooxahan wax tahriibiya waxayna ku xukuntaa xarig haddii lagu helo dambigana waxa ay hadda soo rogtey dil toogasho. Taasi waxay yaraysay dadkii u socdaali jiray Metema ee ay gayn jireen tahriibiyeyaashu taas oo ka dhingtey magaalada iyo gobolkaba meel ka caagan tahriibka.

Itoobiya ayaa iyadu joojisey dadkeeda u safra wadamada Carabta ee laysku gumeysto kadib markii dhowr kamida dadkeeda lagu jirdiley lana kufsaday. Magaaladan oo ay deganaayeen hay’ada dib u celinta qoxootiyada ama dadka tahriibaya ayaa hadda hay’adaasi isaga guurtey magaalada maadaama ayna jirin dad tahriibaya.

Wadamada reer galbeedka ayaa Itoobiya ka caawiyay sidii ay u dabargoyn lahayd tahriibiyeyaasha taas oo keentay natiijo fiican oo cidkasta u fiican joojisayna qulqulkii faraha badnaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM