Milatariga Itoobiya oo si xun u garaacaya maleeshiyada Tigreega ee ay wataan reer galbeedka ayaa ka sifeeyay dhul intiisa badan buuraalay ah oo ay wada Axmaarada, Oromada iyo Canfarta. Muslimiinta halkan ku nool ayaa ah Axmaaro la muslimiyay iyo Oromo.
Gobolka Wollo Koofur iyo Woqooyiga waa laga sifeeyay maleeshiyada Tigreega. Hadda waxa lagu siqayaa Maqale oo ka xigaan oo keliya ilaa 10 magaalo oo aad u yaryar.
”Dhulka aadka u dad badan ayaa ah gobolka Wollo inta hadhayna waa magaalooyin yaryar oo ay ugu weyn tahay Maqale ayuu yiri afhayeen u hadlay milatariga Itoobiya.
Dagaalkan ayaa waxa ku jira maleeshiyada Canfarta iyo kuwa Axmaarada oo dhowr nooca xagga dambe iyo cirkana ka ilaalinaayaan diyaaradaha aan is wadin ee Turkigu ka iibiyay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay