X

Itoobiya oo walaac ka muujisay dagaalka Kiiniya ka bilowdey Baladxaawo

Members of the Ethiopian National Defense Forces stand in formation during a ceremony in Baidoa, Somalia, to mark the inclusion of Ethiopia into the African Union peace keeping mission in the country on January 22. AU UN IST PHOTO / Tobin Jones

Kadib markii saaka Kiiniya dagaal ku soo qaaday magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa walaac ka muujiyay dawlada Itoobiya oo ciidamo ka joogaan gobolkaas, baacsatana argagixisada. Kiiniya ayaa hub ku filan soo siisay maleeshiyada Axmed Madoobe oo la ogyahay hubka ay haystaan ee ayna tuulana ku qabaan karin ama tirada ciidan ee ay haystaan.


Waxa dagaalka lagu arkey saraakiil Kiiniyaana oo xagga dambe ka soo ridaya madaafiicda, hagayana ciidanka. Kuma guulaysan inay hore u soo socdaan, taas oo muujin lahayd soo duulid toosa, waxayse isku dayaysaa inay gool ka dhaliso dawlada, oo ah cunaqabatayn ayaan kugu haynaa ee maxaad samayn kartaa.


Kiiniya oo taageero ka haysata Maraykanka kuna faraxsan hadalkii ka soo yeeray ayaa iyadu ciyaaraysa gool ka ah inay Somaliya ku qasabto in badda hoos loo dhameeyo haddii kale ay haysato koox Somali ah oo ay adeegsato ayuu qabaa Cali Calasow.

Haddaba sarkaal u hadley dawlada Itoobiya oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in dalkiisu ka xuntahay weerarka Kiiniya ama cida ay wadato ku soo qaadeen Baladxaawo, waxayna sheegeen in laga leexday wadada dib u dhiska dalka iyo burburinta argagixisada.


Ciidanka Amisom ee lacagta ku qaata la dagaalanka argagixisada qayb kama noqon karo xasilooni daro horleh ayuu ku soo koobay hadalkiisa.

Magaalada Baladxaawo ayaa hadda degan inkastoo xabad goos goos ka dhacayso duleedka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.