X

Itoobiya oo xaqiijisay in wasiir hore oo muhiim ahaa lagu diley is rasaasayn

Ciidanka dalkaasi Itoobiya ee dagaalka kula jira xubnihii ka haray Tigreega laga guulaystey ayaa xaqiijay in rasaas lays weydaarsaday lagu diley wasirkii hore ee arimaha dibeda ee Itoobiya Seyoon Mesfin. Wuxuu ahaa wasiirkii hore ee dhinaca federaalka.


Wuxuu xilka ka degay 2010 kadibna waxa loo magacaabay safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Shiinaha.

Hadaba sidee loo diley

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegtay inay dileen Seyoon kadib markii isaga iyo rag la socday inay istaagaan kadibna ay rasaas is weydaarsadaan ilaalada wasiirkii hore iyo kuwo kale sidaana lagudiley.

Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in aasaasihii xisbiga TPLF isagana la qabtey usbuucii hore halka 15 ka mida xubnihii ugu muhiimsanaa ee argagixisada Tigreega la qabtey qaarna la diley.


Dagaalka dawlada Cabi Axmed ka wado gobolka Tigree ayaa intiisa badan dhamaaday waxa hadda socda ugaadhsiga xubnihii ka midka ahaa ururkii argagixisada ahaa ee TPLF ee iyagu mudada dheer xukunka haystay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.