X

Siyaasi sheegay in lacag badan soo gaartey iyo halka lacagtaasi ka timi

Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur oo hore u gatey badda lana ogyahay inuu shisheeye dabada ku hayo ha ahaate Ingiriiska uu ka dhiiban yahay iyo dalalka kale sida Kiiniya ayaa sheegay lacag soo gaartey.


Wuxuu sheegay inuu taageereyaashiisa ka codsaday inay soo caawiyaan si uu olole ugu galo lacagtaas ayna ka soo jawaabeen oo hadda khasnada jeebkiisa ku jirto 50-kun oo doolar.

”Wuxuu qirtey in ajaanibtu durba lacag intaas leeg soo gaarsiiyeen xilli dadka somaliyeed u jeedin ururo iyo wax la mida ayu yiri Cali Calasow. C/raxmaan C/shakuur ma soo bandhigin lacagta uu sheegayo oo u jirta khasnada.


”Ilaa hadda warkaas cid xaqiijisa ma jirto maadaama cadeyn la wadaagin ummada xisaabta ku jirta khasnada ayuu raaciyay taas oo ka badan karta haddii xisaabta la soo bandhigo. Wuxuna raaciyay in Hargeysana lacag uga timi.

Waxa kuu cad in musuqii toos u bilowday oo uu guulaysan karo ninka ugu lacagta badan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.