X

Itoobiya oo xeer qabyo ah ku sheegtay saamiga ay ku leedahay kheyraadka dhulka Somalida

Dastuurka Tigreegu dhigey ee dalkaasi ayaan haba yaraatee sheegin sida loo qaybsan doono kheyraadka dabiiciga ee dalkaasi oo ay ku jirto dhulka Somalida ee Ingiriisku bixiyay.


War laga baahiyay idaacada Somali galbeed ayaa lagu sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka Somali galbeed dowlad ay Dawladda dhexe ee Itoobiya ku leedahay 25% boqolkiiba halka Dawlada Somali galbeed ku leeyihiin 50% inta soo hartey ee 25% loo qoondeyn doono deegaanada kale ee Itoobiya.


Warkan oo macquul u eg ayaa u ekaan kara mid keenaya cadaalad maadaama cidkastaa xaq u leedahay inay wax weyn ku yeelato kheyraadkeeda. ”Waxa fiicnaa boqolkiiba lixdan inta kalana dawlada dhexe. Waxase macquula in 25-tanka dawlada dhexe Dawlada Somali galbeedna wax ku leedahay.


Tani aya ku dhigan in haddii gaaska iyo saliida laga helo 4 bilyan dawlada Somali galbeed ay ku soo hagaagi doonto 2 bilyan oo ay ku kala aamusiiso dhamaan deegaanada dalka. Waa haddii lacagtaa loo maamulo si cadaalada ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.

Xildhibaannada golaha baarlamanka federaalka ugu jira Somali galbeed iyo masuuliyiinteeda kaleba waxay ku doodeen in xeerkaa la ansixiyey uu dhaqan galo oo lagu saleeyo miisaaniyadda sannadka Itoobiya isticmaasho ee 2012.

Hase yeeshee waxa la isku raacay in xeerkaa la ansixiyey si buuxda loo dhaqan geliyo sannadka ka dambeeya ee 2013-ka ee tirsiga Itoobiya.

Waxa la sugaa sida xeerkan loo dhaqan geliyo iyo kharashaadkaas loo maamulo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.