Itoobiya ayaa xukun dheer ku ridey askar dili gaaray Cabi Axmed bishii Oktoober kadib markii ay ugu tageen gurigiisa iyo xafiiskiisa ayaga oo badan oo gaaraya 200 oo askar. Askartan ayaa la ogaadey inay diidan yihiin isbedelka uu ka wado Itoobiya iyo jaarkeeda.
Waxa la sheegay askartaan inay u badnaayeen Tigre. Cabi Axmed ayaa telefishanka dalkaasi tusey askarta oo uu ciyaarsiinayo jimicsiga gacmaha dhulka la saaro ayadoo laabtana dhulka loo dhaweynayo.
”Cabi Axmed ayaa xilliga sheegay inay ahayd sida kaliya ee aan ku dejin karo xaalada, waxayna u yimaadeen inay i dilaan. Waxa mardambe la ogaadey in qaarkood sheegeen inay ka xumaadeen fursada dhaaftey ee ay ku dili lahaayeen Cabi Axmed.
Askar gaaraysa 66 ayaa lagu ridey min 14 sano oo xariga iyo min shano halka inta kalana lagu daba jiro dambiyadooda. Waxana xaakinku sheegay inay ku xadgudbeen sharciga askarta u yaala.
Rasiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay