X

Itoobiyaan ku dhintey Hargeysa iyo waxa sababay

Inta la xaqiijiyey laba qof oo muruq maal ah ayaa ku geeriyootay hal kalana waa laga soo badbaadiyey kadib markii ay ku duntay bulaacad ay qodayeen magaalada Hargeysa.


Ciidanka dab-demiska oo iyaga loo tababaray arimahan oo kale ayay ku qaadatay saacado inay meydadka soo saaraan, waxana dhaawac soo gaaray askari ka mida kooxda dab-demiska.

Ilaa hadda lama garan karo waxa kelifay in bulaacadu ku dunto maadaama goobta ay u qodayeen bulaacada ay ahayd maqaaxi shaqsi leeyahay.


Shilalka noocana ayaa ah kuwa soo noqnoqdey, waxa inta badan ereda leh dadka wax qodaya oo aan lahayn xirfad ay isaga hubiyaan meesha ay qodayaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.