X

Xaaladaha cudurka Kooro ee gobolada dalka oo sii kordhey

Waxa baryahan sii kordhaya xaaladaha cudurka Kooro ee gobolada dalka ayadoo awal kiisaska ugu badan ay ahaayeen gobolka Banaadir. Wasaarada caafimaadka oo warbixintii maalinlaha soo saartey ayaa sheegtay in gobolada kiisasku sii kordhayaan.


Inta badan gobolada dalka ayaan jirin cid dheecaan ka qaada dadka la ildaran cudurka, waxana la aaminsan yahay in tirada guud ay badan tahay.


Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Foosiya Abiikar Nuur ayaa xogta u dambeysa ku sheegtay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubba (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Butlaan (8). Maamulka Somalilaan ayaan jirin tiro saxa oo laga hayo.

14 qofood ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-na waa haween.


Tirada xaaladaha cudurka Kooro ee dalka la diiwaan geliyay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. RABI keliya ayaan leenahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.