X

Jaahil Joo Baydan oo balan qaaday inuu Yuhuuda u buuxiyo gantaaladii lidka ee ay gantey

Jaahilka weyn ee madaxweynaha u ah Maraykanka Joo Baydan ayaa balan qaaday inuu degdeg u buuxiyo gantaalada lidka gantaalada ee Yuhuudu ku soo ridaysay kuwa Xamaas. Gantaalada ay isticmaalayaan nooca lidka gantaalada ee ay Yuhuudu isticmaalaysay aya waxa sameeya Maraykanka waxayna midkiiba ku kaca 50 kun oo doolar halka gantaalka Xamaas uuna ka badnayn 300 oo doolar.


Jaahil Joo Baydan oo hadlay ayaa shegay inay Yuhuuda hore ula gaareen hub casriya haddana ayna ka maageyn inay degdeg u buuxiyaan gantaalada ka dhmaaday qalabka lidka diyaaradaha ee Yuhuudu u taqaan ayran dhoom.

Qiimaha gantaalka

Xabada Ayran Dhoom ayaa qiimaheedu yahay 1 Milyan oo doolar halka halkii gantaal ee ay ridaana uu yahay 50 kun oo doolar. Marka hadii ay rideen in ka badan 5000 oo gantaal waxay Yuhuudu joogtaa khasaare rubuc bilyan.


Ayran dhoom aya waxa samayntiisa iska leh Maraykanka waxana markii ugu horeysay la tijaabiyay sanadii 2011. Waxanse shaki ku jirin in Xamaas weerarkan ay ka qaaday inay kor u sii qaado awoodeeda gantaaleed oo doork adambe uu noqo doono mid waxba la’aan ka dhiga difaaca Yuhuuda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.