X

Jabaan oo sheegay in wasakhda nukliyeerka ku shubi doonaan badda iyo qaylo ka timi

Jabaan ayaa sheegay maanta oo Salaasa ah inuu wasakhda biyaha nukliyeerka ku shubi doono badda, waxase si gaara u diidey wadamada Shiinaha iyo Koofurta Kuuriya oo sheegay in wasakhdaasi si toosa iyo si aan toos ahayn u waxyeelaynayso caafimaadka guud.


Baddaha iska furan ee kheyraadkooda la gurto wasakhdana lagu shubo sida Somaliya ayaa caadiyan wadamada reer galbeedka ay ku shubaan wasakhda biyahaas si tuuga ah, waxaanan aragnay dhowr jeer.

Jabaan ayaa sheegay inuu wargeliyay hay’ada u qaabilsan arimaha nukliyeerka ayna ku raaceen in sidaas wax dhaama ayna jirin.


Waxana ay sheegeen in biyahaas intoodii badneyd laga saaray sunta nukliyeerka laakiin ay welli ku harsan tahay in aan laga saari karin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.