11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Jabuuti oo lagu xukumey lacag gaaraysa 385 milyan oo doolar

Dawlada Jabuuti ayaa lagu xukumey lacag gaaraysa 385 milyan doolar. Maxkamad London ku taal oo dawlada Jabuuti hore kalsoonidii ugala noqotey ayaa sheegtay in lacagtaan ay tahay ribo fuushey Jabuuti maadaama ay ka baxdey heshiiska.



Jabuuti ayaa hore u diidey maxkamadaas oo la ogaa inay la jirto Imaaraadka gaar ahaan shirkada DP World. Jabuuti ayaa bishii Feebarweri ee sanadkii hore dibedda u tuurtey shirkadaas dhiigmiiratada ah.

Waxay ku eedaysay inay wax u dhintey xornimada dalka. Dekedda ayaa u adeegta dawladaha Itoobiya iyo wadamada an lahayn dekeda ee bariga Afrika.



Qaraarka ka soo baxay maxkamada ayaa cidla ku dhacaya maadaamna Jabuuti hore u laagtey maxkamadaas. Dekedda ayaa hadda waxa hadda maamula shirkad laga leeyahay Shiinaha.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS