Jahwareer ka taagan rag afara oo ku dhintey rasaas ay fureen Amisom kadib weerar argagixiso oo ka dhacay duleedka Muqdisho. Argagixisada ayaa dadka ku gabatey oo weerar miino ku qwaadey kolonyo Amisom ah oo maraayay xanibaadii hore ee Afgooye loogas soo galaayay Muqdisho.
Argagixisada ayaa ku jirta duurka inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho oo ay ka dhacaan weerarada fuleynimo ee ay ku qaadaan Amisom oo u joogta Somaliya dabargoynta argagixisada.
Weerarka kadib iyo jahwareerka yimi ayaa waxa rasaas ay fureen ciidanka Burundi kadib wuxuu sababay dhimashada afar durawal bajaaj. Lama garan karo in argagixisadu adeegsatey iyo in rasaastu haleeshay.
”Eeda waxa iska leh oo aafada keenay waa argagixisada ayuu yiri oday Somali ah oo ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay.
Dad isku soo baxay ayaa dalbadey in la baaro sida dilku u dhacay laakiin Kuma dhacaan inay banaanbax sidana ku sameeyaan argagixisada ku hoos jirta ee dhibka keentay.
Dhinaca kale Dawlada oo war Iyana soo saartey dhacadada ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonto waxa dhacay baaritaan kadib.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS