Jarmalka oo qoxootiga ugu badan ee Yurub ay hadda toos u tageen ayaa codsaday in hadda lagu noqdo sharciga dhigaya in magangalyo doontu iska dhiibo dalka u horeeya ee uu soo galo. Hogaamiyaha dalka Jarmalka oo telefoon kula hadashay dhigeeda Austria iyo Hungary ayaa la isla soo qaaday in hadda dib loo soo celiyo xanibaadihii wadooyinka.
Qoxootiga ugu badan oo Siiriyiina ayaa ka cararay argagixisada uu taageero Sucuudiga, Maraykanka , Turkiga iyo Qadar..Wadamadaas ayaa iyagu daawanaya oo aan haba yaraatee ka qayb qaadan dadkan ay qixiyeen.
Talaabadan ayaa joojinaysa dad aad u farabadan oo si toosa uga soo bixi lahaa dalka Turkiga oo ay ku jiraan xeryo dhintey ayna u dheertahay dhaxan iyo gaajo.
Ingiriiska ayaa isaguna shegay in uu qaadan doono kumanaan u dhashay Siiriya uuna ka soo qaadi doono xeryaha ay ku jiraan ee Turkiga isagoo u celiyay in ayna dad ka qaadan doonin Yurubta kale. Waxa kale oo Ingiriisku sheegay in ay duqeyn doonaan argagixisada Daacish oo xudun u ah burburka ku dhacay Siiriya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay