21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Jarmalka oo faraha kala laabtey dayactirka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo

Jarmalka ayaa joojiyay dayactirka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo oo qorshuhu ahaa in la dhameeyo sanadkan maadaama sanadkii hore la bilaabey. War ka soo baxay safaarada Jarmalka ee Nayroobi ayaa lagu shaaciyay.



Safaarada warka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dhinaca maamulka Puntland ee wadooyinka laga waayay xisaabcelin lagu kalsoonaan karo.

Waxana muuqata in mashruucaan u xirmey musuqmaasuq ayadoo danaha guud looga faaiideysanayo kuwa shaqsiga ah.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS