November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Jarmalka oo ku hanjabay masaafurin kadib kufsi la sheegayo in ay gaysteen Carab la soo dhaweystey

Kadib fadeexad weyn oo ka dhacday dalkaasi Jarmalka halkaas oo sida la sheegayo ay faraxumeyn u gaysteen rag lagu tilmaamay in ay ka soo jeedaan Carab iyo Woqooyiga Afrika gabdho Jarmala oo u socdey xaflada dabaaldega sanadka cusub ayaa Jarmalku ku hanjabey in dadka aan xushmeyn dhaqankooda laga tuuri doono dalka.

Waxa Jira ficilo la mida oo ka dhacay Swiserland iyo Finland. Gabdhaha la faraxumeeyay ayaa waliba la dhacay intaa la hareereyay waana dhaqano ayna hore u arag.

Jarmalka ayaa soo dhaweeyay dad aad u farabadan oo ka yimi dhaqano kala duwan iyo goobo la cadaadiyo dumarka. Haweenayda Jarmalka ayaa ku hanjabtey in buuga loo furi doono kuwa falkaasi gaystey.

Waxase falalkan ka faaiideystey kooxaha neceb ajaanibta oo iyagu sheegay in ay waxani dhaceen haddii Jarmalku aanu furin albaabkiisa dad u badan Muslimiin oo ka soo ordaya masiibo ka dhacday dalalkooda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxdan gabdhaha fartaxumeeyay ay ku u badan yihiin Muslimiin laakin ay ku jiraan Maraykan iyo Jarmal.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS