X

Jasaair oo xiriirkii u jartey Marooko iyo waxay qoonsatey

Jasaair ama Aljeeriya ayaa xiriirkii u jartey Marooko oo ay jaar yihiin. Labada wadan ayaa waxa ku nool dad loo malaynayo loo yaqaan Amasiq ama Berber oo la sheego inay yihiin asalkii loogu yimi. Ururka Carabta yaa ugu baaqay labada wadan inay si walaanimo ku xaliyaan khlifaafkooda.


Haddaba muxuu yahay khilaafkan soo jireenka ah

Waxa sanadii 1976 Marooko ka dhacay dagaal ay qaadeen ururka Bolisaariyo oo rabay inay ka go’aan Marooko markii gumeysigii Isbayn ka baxay dhulkaa balaadhan ee saxaraha ah. Waxa iyana dhulka rabtey Muritaaniya oo markii dambe faraha ka qaaday.


Waxa falaagada Bolisaariyo taageerada ugu weyn siin jirey Jasaair oo ila hadda taageera maadaama qaxootiga ugu badan ee dagaalka uu degan yahay xadka Aljeeriya iyo Marooko.

Jabhada Bolisaariyo oo mar ay aqoonsadeen dalal badan hadda ma jiraan dalal sidaa u badan oo taageersan. Marooko ayaa dhinaceeda taageero u muujisay shacabka Amasiq oo ah dadkii loogu yimi labada dal amaba gobolkaa Woqooyiga Afrika.


Waxayna rabaan inay yeeshaan dal iyaga u gooniya laakiin ma jiraan jabhad cadcad oo dagaal kula jirta Jasaair. Waxana taageerada iyo hadalada ka soo baxay Marooko ka xanaaqayy Jasaair oo go’aansatey inay xiriirka u jarto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.