X

Canfarta oo laga fogeeyay deegaano badan dagaal khasaare dhaliyay

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya gobolka Siti ee dawlada Somali galbeed ayaa sheegaya in dagaalada u dhexeeya Canfarta iyo Somalida uu sii kordhay. Daraad waxa jirtey dhimasho tobaneeyo gaaraya.


Shalay gelinkii dambe dagaalo xoogan oo ka dhacay tuulooyin ka tirsan Siti ayaa lagu fogeeyay Canfarta ayadoo la gaarsiiyay deegaanka Cadayti. Dagaalka intiisa badan ayaa u dhexeeya xoolo dhaqato waxase gurmad badan helaya Canfarta.

Ciidanka dawlad deegaanka Canfarta ayaa hub iyo gurmad kale soo gaarsiiyay xoolo dhaqadaa halka uu yaryahay gurmadk ay helayaan Somalidu sida uu ku waramayo Warfaa Muxumed.


Dadaalo la doonayo in lagu soo af-jaro colaadan ayaa ka socda xarunta Itoobiya ee Addis ababa ayadoo dawladu ku mashquulsan tahay dagaalka Tigree oo ay taageerayaan gaalo badan.

Dhawaan ayay ahayd markii dad biri ma geyda ah ahayd ay Canfartu ku xasuuqday deegaanda xadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.