X

Jawaari oo ka qayliyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta kursigiisa

Jawaari ayaa ka qayliyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta kursigiisa. Jawaari ayaa sheegay in weerar lagu soo qaadey barlamaanka halka dadka badankiisu qabaan in barlamaanku fadhiid yahay.



Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Xukuumadda ay doonayso inay bur buriso Baarlamaanka dalka, arrintaasina uu kaga digaayo Xildhibaanada Soomaaliya inay aqbalaan.

Isaga oo hadlaka sii wata Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay inuusan shir Gudoomin karin kulamada looga hadlaayo Mooshinka isaga ka yaal Baarlamaanka, laakiin Gudoominta arrintaasi ay leeyihiin Ku xigeenadiisa.



Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ogol yahay in Xildhibaanada Mooshinka keenay ay soo dhameystirtaan tirada codeynta Mooshinka loogu talo galay, islamarkaana la geeyo Xildhibaanada hortooda oo cod lagu kala baxo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.