X

Jeenawari 30 waa maalin murugo ku leh shacbiga reer Boorama waa maalin Mingeste xasuuqey caruur dugsiyada ku jirta

Boorama-Waxay ahayd barqanimo xilli caruurta dugsiyada Boorama ayaa ka soo noqdeen xilli biriigii oo ay ku soo noqonayeen dugsiyada markii diyaaradaha Mingeste ay ka gaysteen dugeyn aan loo aabo dayin halkaasna ay ku dileen caruur aad tiro badan.

Waa maalin murugo badan oo caruur badani naftooda ku waayeen waalidiin badanina ay u ahayd maalin murugo iyo waliba qaranka Somaliya. Waxa maalintaas qaad ku maqnaa dhamaan difaaca magaalada Boorama oo aan sidaa u badneyd halka magaalooyinka kale ay yaalaan hub casri ah.

Waxa isla markiiba caruurtaasi lagu aasay qabuuro magaalada ka fog oo kadibna la mariyay nuurad cad inkastoo wixii intaa ka dambeeyay difaaca magaalada la xoojiyay hadana magaaladu marnaba ma helin hub casri.

Waa maalin argagixiso iyo murugo badneyd oo qofkaste raadiyay ehelkii dadkuna ka baxeen magaalada una baxeen buuraha halkaasna la seexday habeeno.

Shabakada Araabinews waxay la qaybsanaysaa muragada maalintaas dhamaan waalidiinta caruurtoodu aan ka soo noqon dugsigii ay tageen subaxnimadaas.

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.