X

Jeneraal Khaliifa Xaftar oo ku baaqay jihaad ka dhana ciidanka Turkiga

Jeneraal Khaliif Xaftar oo ku dhow inuu daaqada ka saaro maamul iskudirka ee qaramada midoobey dhoodhoobtey oo ay hogaanka u hayaan ururka akhwaan Muslimiin. Maamulkaan ayaa dhawaan Turkiga la saxiixdey heshiis badda oo ku salaysan kheyraadka dabiiciga.


Inkastoo heshiiska badda u dhaxaysa Carabta iyo gaalada markii hore daaqada laga saaray Turkiga kadib markii ay wada galeen wadamada kale ee wadaaga badda sida Masar, Giriiga, Qubrusta Giriiga iyo Yuhuuda, haddana heshiiska Turkigu la galay maamulka Siraaji ee Tiriboli ayaa ka dhigaya awood u baahan in lala xaajoodo.


Wadamada iyagu taageersan jeneraal Khaliifa Xaftar ayaa Turkiga uga digey inuu farogeliyo arimaha gudaha ee dalka Liibiya oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Ruushka.

Haddaba Jeneraal Khaliifa Xaftar oo haysta dhulka Liibiya intiisa badan ayaa waxa aan gacanta ugu jirin caasimada iyo deegaano xeebta xiriirsan.


Diyaarad ay soo rideen

Haddii ciidanka Turkigu soo galaan Liibiya waxaan ku qaadaynaa jihaad ayuu yiri jeneraal Khaliilfa Xaftar oo ciidankiisu markaa soo rideen diyaarad nooca aan iswadina.

Si kastaba ha ahaatee waxa dadku is weydiinayaan maka dhabaa Dayib Erduqaan inuu ciidamo u diro dal Muslim ah si uu u dilo Muslimiin kale sidaana ku fushado danihiisa urur dimeed iyo saliideed.


Dayib Erduqaan ayaa hore u burburiyay Suuriya kadib markii uu u direy ciidan akhwaan Muslimiina oo uu bixiyay ciidanka xorta ah ee Suuriya.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.