X

Maxaa keenay hoos u dhac ku yimi wax soo saarka beeraha

Waxa sanadkan hoos u dhac ku yimi wax soo saarka dalka. Waxa qoysas bnadan la soo deristay dalagii oo xumaada ayadoo ayna jirin siyaasad degsan oo ku aadan wax soo saarka dalka.


Dhaqaalaha badankiisa ayaa ku baxa naas nuujinta xildhibaano ku sheega ka buuxa dalka oo dhan min Saylac ilaa Raaskambooni. Dhaqaalahaas oo laga guro masaakiinta waxna aan dib loogu soo celin.


Waxa ka siman dhamaan maamuladii soo maray dalka haba sii kala xumaadeena, ayadoo ay ugu liiteen labadi maamul ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sh Maxamuud.

Fatahaada webiga Shabeele

Kadib fatahaadii ugu dheerayd ee ka dhalatey barwaaqadii RABI ugu deeqay adoomihiisa Somaliyeed ee webiga Shabeelle ayaa waxyeelo u gaysatey beerihii dadku qodon jireen.


Taas waxay wax weyn u dhintey dalagii dadku sugaayeen, ayadoo intii wax beerayayna ay biyo dhex fadhiisteen. Waxa fatahaadan farxad ka qaadey kuwii awalba dalaga dhacay keeni jirey dalka marka dalaga Somalidu so go’o si ay u niyad jebiyaan beeralayda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.