X

Jigjiga ma tuugadaa ku soo korodhey mise booliiskaa hawshiisa gabay

Jigjiga ma tuugadaa ku soo korodhey mise booliiskaa hawshiisa gabay. Caasimada Somali galbeed ee Jigjiga ayaa waxa ku sii kordhey tuugada dadka dhaca oo u badan dhalinyaro jecel inay gacantooda ku dhigaan telfoono ayna awoodin.


Xilli telfoonadu hadda noqdeen waxa kaliya ee u furaya aduunyada kale kuna yeelan karaan saaxiibo fog ayaa haddana waxa uu leeyahay dhibkiisa.

”Waxa habeenkii  dhac noogaysta tuugo ayagoo naga dhacaya telfoonada gacanta iyo weliba aaladaha kale ee casriga ah oo qaali ku ah magaalada ayuu yiri Xuseen mooge oo ah nin shacaba.


Hooyo iyadu ka ganacsata suuqa ayaa qabta in tuugadani yarayd xilligii xukunka Cabdi Iley oo hadda oo dadku hadli karaan ay waxyaabo badan aad moodo inay faraha ka baxeen.

Jigjiga ayaa muddo 5 bilood ah helin adeeg fiican maadaama uu jirey qalqal siyaasadeed iyo dadka oo ka qaxay magaalada.

Booliiska magaalada ayaa sheegay in tuugada qaar ay qabteen qaarna ku daba jiraan waxayna sheegeen in tuugada qaar yihiin kuwo baxsadey xilligii kala guurka.


Si kastaba ha ahaatee waan hadli karaa macnaheedu maaha sharciga ayaan gacmaheyga ku qaadanaya ayuu yiri oday ruug cadaaya oo aan kula kulanay maqaaxi ku taal magaalada.

”Waxa jira musuqmaasuq haddii wax laga qaban waayana uu keeni karo cadaalad daro, waana ta laga ordaayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.