X

Dawlada Somaliya oo ugu dambeyn mamnuucdey nin gaala oo halis ku ahaa qaranka

Dawlada Somaliya ayaa ugu dambeyn mamnuucdey nin gaala oo halis ku ahaa qaranka. Gaalkan lagu magacaabo Matt Bryden ayaa Hargeysa looga guuriyay gabadh reer Hargeysa oo aanu geyin wuxuuna bedelkiisa bilaabay inuu la dagaalamo deganaanshaha qaranka iyo dadka Somalida.


Waxa sanadkii 2012 loo magacabay hay’ad markasta gudbin jirtey in la aqoonsado maamulka Somaliland cunaqabatayna lagu hayo dalka intiisa kale. Hay’adan oo magaca Qaramada midoobey ku shaqayn jirtey ayaa waxay xafiisyo ku lahayd Ingiriiska iyo Nayroobi.


Gaalkan Matt Bryden oo u dhashay Kanada ayaa lacag siin jirey calooshood u shaqaysteyaal Somali ah oo xogta bixin jirey, xogtaas oo uu ka heli jirey maamuladii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Waxa ogaadey Sheekh Shariif in shaqaalihisa uu lacag siiyo si ay u basaasaan kadibna wuxuu amrey in laga mamnuuco dalka, waxase uu imaan jirey Hargeysa iyo Garoowe waase soo noqdey xilligii Xasan Sheekh wuxuuna isku sheegaa inuu yahay khabiir dhinaca Somalida.


Dawlada Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa gebi ahaanba xirey MAQAAL uu ku samaystey magaca Somaliga una bixiyay Sahan maadaama uu naag Somali ah qabo Af-Somaligana bartey.

Maqaalkan uu ku sheegtay cilmi baaris si uu lacag uga helo warbaahinta reer galbeedka ee warka bugta ka qora Somaliya iyo dhalinyarada u diidey in xeebahooda la xaalafuyo looguna bedelo qashinka.


Somaliya waa xero furan dadka ugu musuqa badan waa gaalada madow ama cad ee wadanka ku cuna magaciisa ayuu yiri Jaama Cabdulaahi oo Muqdisho jooga.

Soo diyaarintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.