X

Jigjiga oo ayax ku habsaday iyo walaac xoogan oo laga muujay

Waxa galabta magaalada Jigjiga ku habsaay AYAXII ka hadhay kii hore ugxantii uu ka tagey oo dilaacday. AYAXAN ayaa hore looga digey in ugxantii uu ka tagey ay dilaaci doonto mar labaad dalka soo weerari doono.


Waxa lagu arkey fooqaqa magaalada AYAX farabadan oo fuushan oo xataa aad moodo roob da’aya. Dadka magaalada ayaa walaac ka muujiyay halista dhaqaale ee uu keenayo.


Maamulka degmada Jigjiga ayaa ku dadaalaya sidii AYAXA loo buufin lahaa, waxaanad moodaa in ayna u diyaarsanayn AYAX sidaan u badan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.