X

Madaxweyne Farmaajo oo dalbadey in la dhamaystiro qalabka caafimaad ee welli maqan

Madaxweynaha Somaliya oo kulan dhinaca internet-ka kala qayb galay gudiga qaran ee yaraynta faafida cudurka Kooro ayaa loo sheegay in welli ay maqan yihiin qalabyada caafimaad ee lagula tacaalayo bukaanada uu soo ritey cudurku.

Kulanka kadib ayaa madaxweynuhu ka dalbadey xukuumada Xasan Cali in la helo qalabka maqan.


Qalabka maqan ayaa lagu sheegay hawo-siiyaha sambabada xilliga ay joojiyaan shaqadooda, taas oo muhiim u ah badbaadinta bukaanka. Lama oga in ogsajiin ku filan ay taalo isbitaalada.


Kulanka maanta oo ka mida kulanada joogtada ah ee dawladu wada qaadato ayaa lagu taabtey sidii loo xoojin lahaa kahortaga cudurka Kooro oo Muqdisho siyar oo fudud ugu sii faafayo xilli ay soo gashay bisha barakaysan ee Ramadaan.


Dawlada Somaliya oo ay yartahay awoodeeda wax iibsi ayaa codsi degdega u dirtey dalalka ay saaxiibka dhow la leedahay inay dalka ka caawiyaan qalabka caafimaad ee maqan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.