X

Jigjiga oo lagu soo rogey bandow iyo sababta

Magaalada Jigjiga ee caasimada Somali galbeed ayaa lagu soo rogey bandow kadib markii shalay rasaastu is qabssatey lana sheegay inay laba qof ku dhinteen Somali iyo Axmaarada la soo dejiyay si ay u sheegtaan dhulka. Axmaarada. degan Jigjjga ayaa ka soo dejiyay xilligii Mingeste uu ka talinaayay dalkaasi.


Rabshadaha ayaa bilowdey markii Axmaarada Jigjiga ka bilaabeen Ilaah raadsiga diintooda ayadoo si nabada ku maray wadada weyn ee dhexmarta Jigjiga.

Waxase la sheegayaa in rabshado qoomiyado ksle ka sameeyeen ay keebtay isku dhaca Somalida iyo Axmaarada


Masuuliyiinta amniga ee Somali galbeed ayaa bandow soo rogey si loo yareeyo dilalka dhacaya habeenkii oo hadda laba qof ku dhinteen lagana baqayo inay sii fidaan. Somaliya ayaa raba in Axmaaradu dib ugu noqoto gobolkooda.

10-ka habeenimo wixii ka dambeeya qofkii soo baxa waxa loo sheegay in su’aalo la weydiin doono.


Inta badan ma dhici jirin rabshadaha u dhexeeya Axmaarada iyo Somalida iyadoo Somalida lagu qasbey inay bartaan kuqadooda, askartana taageero ka heli jirey.

Wararkii u dambeeyay ee hadda aan helayno ayaa sheegaya in ciidanku gebi ahaanba la wareegay amniga magaalada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.