X

Jihaad ayaa ku waajiba kooxaha argagixisada ee barakiciya Muslimka guryahoodana dhufeys ka dhigta

Waxa aduunka Muslimka ku habsatey dhibaatada argagixisada oo ah koox khawaarija oo diintoodu tahay banaysashada dhiiga Muslimiinta ee aan ku raacin fikirkooda diinta ka baxsan.

Waa koox aad xagooda ka tahay gaalo haddii aanad ku raacin fikirkooda diin ka baxa ah. Waa dadka isla markaaba ku gaalaynaya kuuna bixinaya magacaan cusub watana shaabada muslim iyo gaal. Meel ay joogaan nolol kama jirto.

Waxa diintu inagu waajibisay in aan la dagaalano meeshii lagu arkana looga hortago. Waxa caado u noqotey in ay Muslimiinta guryahooda ka barakiciyaan kadibna guryahaas u isticmaala dhufeysyo ay isaga difaacaan rasaasta xukuumada Muslimka ah ee ka talisa wadankaas sida Siiriya, Ciraaq, Afganistan, Liibiya, Somaliya, Nayjeeriya iyo dhamaan goobaha ay ka jiraan argagixisada caalamku ee wadata magacyada badan.

(Sawirka hoose) waa magaalo ka tirsan Siiriya oo argagixisadu guryihii dhufeysyo ka dhigtey kana toogta xukuumada halkaas.

Dalkeena waxay argagixisadu barakicisay kumanaan qoys oo Koofurta Somaliya oo ay ugu badbnayd Muqdisho kadibna ay dhufeysyo ka dhigatey guryihii dadka ay ka qixiyeen.

Waxa u dambeeyay deegaanka Qandala ee Puntland oo dadkii maalin cad ka qaxeen dhulkoodii sida aad ku arkaysaan sawirada hoose oo 400 oo qoys ay barakaceen.

Sawirada hoose waa dadkii deganaa deegaanka Qandalla ee Puntland oo shalay si xun u barakacay

Waxaan ognahay waxa diinteenu ka qabto dad Muslimiina oo laga barakiciyo guryahooda. Waxana RABIGEEN ka hadlay dad aan Muslimiin ahayn oo barakiciya dad Muslimiina sida loola dhaqmo, waxayna ahayd dhaqan lagu yaqaan dadka aan Muslimiinta ahayn, hadase waa caksi.

Hadaba waxa laga yaabaa haddii jufadaada la soo weeraro in aan qaylodhaan dirto, maxaase kuu diidey ama ku aamusiiyay marka dad farabadan oo dadkaagii ah ay darbiyada u hoydaan oo aad qaylodhaan diri waydo ama jufadaada aad lacag ka ururin waydo si aad ula dagaalanto dagaal JIHAAD sax ah oo aad jano ku galayso haddii aad marto wadada saxda ah.

Hadaba waa waajib diineed waana jihaad saxa in aad gurigaaga u diido in uu qof dhufeys ka dhigto adna uu kaa barakiciyo. Diintu waxay ogashay in aad ku dhimato gurigaaga dhexdiisa adigoo difaaca maalkaaga, dadkaaga iyo naftaada.

Ugu dambeyn argagixisada yaan looga barakicin guryaha ee difaacda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.