X

Beesha lixaad ee Somaliya oo walaac ka muujisay soo xulida barlamaanka Somaliya

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si weyn uga niyad jabeen hanaanka doorashada Soomaaliya, madaam maalinba maalinta ka dambeysay ay isasoo taraayaan dib u dhacyada ku imaanaya hanaanka Doorashada Soomaaliya , waxaana ay sheegeen in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqday beesha Caalamka in ay la timaado tilaabooyin cadcad oo looga baaqsan karo in uu dhaco musuqmaasuq loo geysto xubnaha Aqalka Hoose.

Warka kasoo baxay xubnaha beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo heshiisyadii ay wada gaareen xubnaha hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran, kasoo lagu qeexay hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale Waqtiyada ay dhacaayaan.

“Beesha Caalamka waxaa ka go’an in ay taageerto hanaanka geedi socdka Soomaaliya , si dalka uu uga dhaco isbadel, waxaana naga go’aan inaan qaado tilaabo kastoo oo lagu dhameystiraayo hanaanka doorashada Soomaaliya , waxaana xoojinayay inaan waqti iyo dhaqaalo ku bixino in aysan dhicin musuqmaasuq” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

“Waxaan sidoo kale Odayaasha dhaqanka ee soo xulaaya xubnaha ergooyinka dooranaya  Aqalka Hoose ugu baaqaynaa in ay soo xulaan ergooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan ,waxaana sidoo kale laga rabaa hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada in ay socodsiiyaan hanaanka doorashada Aqalka Hoose , islamarkaana ay xaliyaan khilaafka ku aadan hanaanka qeybsiga ergooyinka soo dooranaya xubnaha Aqalka Hoose , waxaana ku wargelinaynaa in tilaabadaasi horay loo qaado” ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Ergeyga Gaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mecheal Keating ayaa dhankiisa sheegay ” Hanaanka Geedi socodka doorashada Soomaaliya oo la gaaro waa mid ahmiyad weyn u leh dhammaan bulshada Soomaaliyeed , waana isbadel ku dhisan sharci iyo sidoo kale siyaasad ku dhisan Nabad, Hadii la gaaro hanaankaasi waa fursad weyn oo ay helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waana horumar la taabankaro,waana bog cusub oo  u furmay  hanaanka siyaasada Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Micheal Keating Ergeyga Gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.