X

Jiir digada ka dhigey lacag malaayiina dalkaasi Hindiya iyo goobta uu ku helay

Jiir digada ka dhigey lacag malaayiina dalkaasi Hindiya. Lacagta jiirkani digada ka dhigey ayaa lagu qiyaasay 1.2 milyan oo ah lacagta Hindida ee Rubiga loo yaqaan. Lacagtan ayaa ku jirtey mishiinada lacagta lagala baxo.



Jiirka ayaa maalmo ku dhex jiray sanduuqa lacagta lagala boxo, waxaana sida uu u cunayay lacagta ay gaartay in mishiinkaasi isagoo lacag ka buuxdo uusan macaamiisha usoo bixin dalabkooda.



Cabashooyin badan oo laga gudbiyay mishiinkaas kadib ayaa la sameeyay baaris waxana la arkey jiir ku dhex dhintey isla mishiinka lacagta siduu u riqayay.

Booliiska ayaa sheegay in an cidkale eed loo haysan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.