X

Jiir gaajaysan oo laga baqayo inuu cuno dadka Maraykanka

Xilli dalkaasi Maraykanku yahay goobaha ugu badan aduunka ee ay Ka jirto dhimashada cudurka Kooro ayaa haddana waxa laga cabsi qabaa in jiirkuna ugu darsamo oo bilaabo inuu cuno dadka gaajo awgeed. Waxaad is weydiin kartaa maxaa jiirka Ku soo jeediyay dadka oo Ku dhacay cuntadii uu Ku noolaa.


Jiirka ayaa dagaal ugu jira sidii uu u Heli lahaa cunto joogta sida dadka caadiga ah ee Maraykanka ay maalin kasta safaf dhaadheer ugu jiraan si ay u iibsadaan cuntada ay rabaan  laakiin jiirka ayaa cuntada ugu badan Ka Heli jirey maqaaxiyaha iyo huteelada.


Maadaama la xirey goobaha ugu badan ee iibiua cuntooyinka sida huteelada, maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee ay Ku noolaayeen jiirku, waxa yaraaday goobaha ay Ka Heli jireen cunto joogta ah ayuu yiri khabiir Ku takhasusey jiirka iyo godad Ku noosha kale.


Hadda dagaalka xoogiisa ayaa u soo wareegay guryaha dadku degan yahay maadaama jiirkii maqaaxiyaha iyo huteelada Ku noolaa gaajo soo eryatay, waxayna hadda Ku dagaalamayaan waxa dadka guryaha degan soo tuuraan, haddana aakhirka u soo wada gelin gudaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.