Cadaado–Jufada Ximin iyo Xeeb ayaa ka cadhootay hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa in maamulka cusub ee gobolada dhexe xaruntiisu noqon doonto Dhuusamareeb waxayna ku tilmaameen hadalkaasi mid aan laga fiirsan. Madaxweynaha jufada Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in lagu deg degay hadalkaaasi. Wuxuu sheegay in arimahaasi u yaalaan ergada shirka.
Waxa muran xoogleh ka taagnaa gogosha taala Cadaado oo tuulo aan lahayn inkaaniyaad fiican waxase aqbalay jufooyinka kale in ay shirka u tagaan halkaas caasimaduna tahay Dhuusamareeb.
œWaa arrin khalad ah in Madaxweynuhu uu Dhuusamareeb ku tilmaamo inay tahay Caasimaddii Maamulka Gobolada Dhexe, waana wax meel looga dhacay dadka deegaanka ayuu yiri Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb.
Waa wax is dul saaran Calanka, Caasimadda iyo Madaxweynaha imaan doono ee Gobolada Dhexe, waxaas oo dhan waxaa shaqo ku leh ergada wax dooraneysa iyo Odayaasha Dhaqanka. Haddii Caasimaddii uu Madaxweynaha iska magacaabay, ergada maxay hadhow qaban doontaa? Shaqadoodii ayuu qabtay ayuu yiri C/laahi Cali Maxamed.
Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ergadeeda ayaa dooratay Caasimadda, Calankii la qaadan lahaa iyo Madaxweynaha. Madaxweynaha Somaliya wuu ku deg degay magacaabidda Caasimadda, waana ka soo horjeednaa sidaasi waxaa yiri C/laahi Baarleex.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay