X

Jufada Hawiye ee gobolada dhexe oo qaarna soo dhaweeyeen hadalkii Xasan Sheekh qaarna diideen yayse kala yihiin

Dhuusamareeb–Jufooyinka Hawiye ee dega gobolada dhexe qaasatan Galguduud ayaa ku kala jabay hadalkii Xasan Sheekh ee caasimada gobolka cusub oo noqon doonta Dhuusamareeb. Jufooyinka dega Cadaado iyo Gaalkacayo ama Galmudug iyo ximin iyo xeeb ayaa dhinac isku raacsan halka jufada kale ee Guriceel ay ogoshahay.

Qabiilada Mareexaanka iyo Dirka ayaa iyagu diidey in meelkale noqoto caasimada aanan ka ahayn Dhusamareeb. Is xulafsiga ayaa ku salaysan ku qabso ku qadimeyso oo jufooyinka Hawiye ku rabaan in ninwalba tuuladiisa ay dhisanto.

Inkastoo beesha Habargidir (Hawiye) looga badan yahay gobolka waxa muuqda kuwo hore isku soo cuney in ay hadda noqdeen isku siyaasad aan meelfog gaarsiisney.

Waxana muuqda in Mareexaanka iyo Dirku iyo jufada Hawiye ee Guriceel ay iyagu leeyihiin majooratiga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee murankan cusub ee Xasan Sheekh isku furey ayaan la garanayn halka uu ku dhamaan doono iyadoo ay muuqato in aan guul laga gaaray federaalkan dadka lagu qasbayo, xoolaha lagu dhacayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.