X

Kaalmo dawladu ugu talogashay Afgooye oo la waayay cid lagu aamino

Wasiirka maaliyada Dr C/raxmaan Beyle ayaa si degdega u dalbadey in la helo guddi loo dhiibo lacagta fatahaada Webiga Shabeelle ee deegaanada hoostaga Afgooye. Waxa jirta waxyeelo aad u badan oo soo gaartey dad ag degan agagaarka webiga Shabeelle.


Lacagtaan oo dhan Nus Milyan ayaa waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaasi la musuq maasuqo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Guddiyo ka shaqeeya Arrimaha gargaarka degmada Afgooye iyo maamulka Koonfur Galbeed in lagu wareejiyo lacagtaasi.


Waxa caadi ah in marka lacagta soo baxdo in markaasba la kala qaato oo ayna gaarin dadka u baahan sida marar badan dhacday.

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Afgooye ayaa iyaguna dalbanaya in dadka gargaarka lala gaaro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.