X

War Maraykanku ka naxay oo ka soo baxay Woqooyiga Kuuriya

Hay’adaha sirdoonka ee Qaramada Midoobey ayaa xaqiijay in Woqooyiga Kuuriya ay hadda awoodo samaysayna gantaal nukliyeera oo aad u yar oo lagu xidho gantaalaha ridada dheer. Warkan ayaa naxdin weyn ku ah xilli Maraykanku is lahaa awoodaas ma gaarin.


War sira oo la helay ayaa xaqiijay in dalku horumar weyn ka sameeyay hubkaas yar ilaa haddana uu wado sii badinta hubka nukliyeerka sida wadamo dhowr ay qiimeeyeen.

Woqooyiga Kuuriya ayaa laba sano kahor tijaabisay gantaalo toos u gaaraya dhamaan dalka Maraykanka taas oo naxdin iyo baqdin ku reebtay Maraykanka.


Maraykanka ayaan ku dhicin inuu weeraro Woqooyiga Kuuriya maadaama aanu guul ka gaarayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.