X

Kaluumaysato lagu la’yahay xeebta Muqdisho iyo sida wax u jiraan

Kaluumaysato lagu la’yahay xeebta Muqdisho xilli uu yaraadey kaluunkii ay dabanayeen oo maraakiibta reer Yurub iyo kuwa Eeshiya ay daldashaan kheyraadka dalkeena.



Kaluumeysadaan aduunka ayaa ka sameeya malaayiin doolar halka shacabka Somaliyeed ka qatan yihiin gaajana u dhimanayaan.

Dooman badan oo Kalluumeysato ah ayaa ku xiran xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aroortii hore u kaluumeysi taga xeebaha Bada Somaliya.

Kaluumaysatada ayaan jirin cid heerkulka maalintaas ama usbuucaas u sheega waxayna subixii ku baxaan YAA RABI. Hadaba waxa jirey dabaylo aan looga baran xilligan jiilaalka ah.



C/qaadir Xundubey oo Kallumeysatada ka tirsan ayaa sheegay Sagaal nin iyo Saddex Doomood ilaa hada la la’yahay meel cirib iyo jaan ay dhigeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.