X

Kanada oo martigelin doonta hal milyan oo soo-galooti ah 3-da sano ee soo socota: Axmed Xuseen

Ahmed Hussen, Minister of Immigration, Refugees and Citizenship, holds a news conference to update Canadians on the possible impacts of recent immigration-related decisions made by President Donald Trump, in Ottawa on Sunday, January 29, 2017. THE CANADIAN PRESS/Fred Chartrand

Kanada ayaa martigelin doonta ama soo dhaweyn doonta hal milyan oo soo-galooti ah 3-da sano ee soo socota. Waxa sidaas sheegay wasiirka soo -galootiga Axmed Xuseen oo isaga qudhiisu soo-galooti ah ka soo jeeda Somaliya.


Kanada ayaa sanadkan qaabishey soo-galooti gaaraya 268 kun sanadii 2017 halka sanadkii tagey ee 2018 ay ku qiyaastey inay gaarayaan 350 kun oo soo-galooyi ah. Ma sheegin wadamada ugu badan ee soo-galootigan ka yimado. Waxase u badan wadamada Amerikada Koofureed.


Kanada oo caruurta dhalataa ku yartahay ayaa waxa kordhey dadka waaweyn ee u baahan xanaanada oo iyagu aan dhalin kuwuii dhaxli lahaa taasdina ay keentay dhalinyaro la’aan.

”Waxaan jirin cid shaqaysa qaasatan bakhaarada waaweyn ee dalka, waxa hoos u dhacaya adeegyada guud ee dawladu bixiso, hadayna jirin dhalin soo kacaysa waxa yaraanaysa cashuiurtii dawladu heli lashayd ayaa lagu yiri warbixin naxdinleh.

Kanada ayaa la qabta dhalinyaro la’anta wadamada isku sheega inay kobceen.


Waxa aad u barakacay dadka aduunka barakacay ha u badnado kuwa ay barakiciyeen kooxaha galaynta Muslimiinta sida wadamada Somaliya, Ciraaq, Afganistaan, Suuriya iyo Liibiya oo reer galbeedku burburiyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.